HomeWarkiiQaraxyada iyo dilalka oo ku soo badanaya Caasimada Ruushka

Qaraxyada iyo dilalka oo ku soo badanaya Caasimada Ruushka

MOSCOW (DAYNIILE.COM)-Caasimada Dalka Ruushka ee Moscow waxaa ku soo kordhaya qaraxyada iyo dilka saraakiisha dalkaasi,wararka ugu danbeeya ayaa sheegaya in la dilay sedex qofood oo laba ay ahaayeen saraakiil oBooliis ah halka qoyihiin ka sedexaad ahaa shacab meesha ka dhawaa sida warbaahinada caalamiga ah shaaciyeen.

Labada Sarkaal ee Booliiska ah iyo ruuxa sedexaad ayaa dilkooda loo adeegsaday qarax kadib markii ay asakartu dhaqaaqeen dhanka rag ay ka shakiyeen markii ay u tageen iskuna dayeen inay baaaraan soona qabtaan ayaa qarax degdeg ah lala beegsaday sidaas ayayna Booliisku ku dhinteen.

Qaraxa lagu dilay saraakiisha Booliiska Ruushka waxaa uu ka dhacay  waddada Yeletskaya Street ee magaalada Moscow sida lagu cadeeyay war ka soo baxay gudiga baaritaanka loo xilsaaray.

Weerarkaani wuxuu imaanaya xili laba maalin ka hor-na gudaha Magaalada Moscow qarax gaarigiisa loogu xirey Janaraal sare Lt Gen Fanil Sarvarov oo ka tirsan Ruushka kaasoo u dhintay qaraxaasi oo gaarigana burbur gaarsiiyay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -