KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanada Maamulka Jubaland ayaa sheegaya in qaraxyo miino oo is xig xigay inay saaka ka dhaceen duleedka Kismaayo kuwaasoo sababay dhimasho badan iyo dhaawacyo.
Qraxa hore wuxuu haleelay gaari dad shacaba ay la socdeen waxaana ku dhintay 5 ruux sida wararka aan helnay ay tilmaamayaan waxaana ku dhaaacmay tiro kale.
Qarax kale ayaa haleelay ciidamada Maamulka Jubaland xili ay ku howlanaayeen caawinta dadkii shaxcabka ahaa ee gaarigooda uu qaraxa koowaad haleelay sida kuwii dhaawaca ahaa.
Qaraxyadaan oo ka dhacay wadada isku xirta deegaanka Buulo-Xaaji iyo deegaanka Cabdalle Biroole ee Kismaayo ku dhaw ayaaney wali si rasmi ah uga hadlin masuuliyiinta Maamulka Jubaland.
Kooxda Alshabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka danbeeyaab qaraxyadaani dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay dadkii shacabk ahaa ee ku safrayay gaari nuuciisa lagu sheegay Succeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
