HomeWarkiiQaraxyo ka dhacay Caasimada Dalka Siiriya xili uu goobta ka dhawaa Madaxweynaha...

Qaraxyo ka dhacay Caasimada Dalka Siiriya xili uu goobta ka dhawaa Madaxweynaha Faransiiska

Smoke and fire rise at the site where explosive devices blewDIMISHIQ (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan laba qarxa ayaa ka dhacay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, xilli madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu booqanayo Magaaladaasi,Muuqaallo laga duubay telefishinka ayaa muujinaya qiiq iyo holac cirka isku shareeray gudaha magaalada Talaadada Saaka ah.

Sarkaal amni ayaa u sheegay Al Jazeera in qaraxyadu ay ka dhaceen meel ay dad rayid ah ku badan yihiin, isagoo ugu yeeray “fal dambiyeed” iyo in laga cabsi qabo in khasaare uu ka dhasho,Muuqaal lagu wadaagay internetka oo ay xaqiijisay Al Jazeera ayaa muujinaya gaari gubanaya.

Wariye ka tirsan Al Jazeera ayaa sheegay in qaraxyadu ay ka dhaceen meel u dhow Wasaaradda Dalxiiska, iyo sidoo kale Hoteel uu Macron ku sugnaa intii uu booqanayay caasimadda si uu wadahadal ula yeesho dhiggiisa Suuriya, Ahmed al-Sharaa.

Xafiiska Macron ayaa sheegay in madaxweynaha, oo u socday inuu la kulmo al-Sharaa, uusan maqlin qaraxyada booqashaduna ay si caadi ah u socotay.

Xaaladdu waa “mid aad u deggan” oo ka dhacday qasriga madaxtooyada, sida uu ku soo warramay Obaida Hitto oo ka tirsan Al Jazeera oo ka soo xigatay goobta.

Mas’uuliyiintu waxay xireen waddooyinka baaritaan ayaana socda,toddobaadkii hore, qarax ka dhacay makhaayad ku taal bartamaha Dimishiq ayaa dilay ugu yaraan sagaal qof, kuna dhaawacay 20 kale, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Suuriya.

SOURCEALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -