Qaraxyo lagu qaarajin lahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo la Fashiliyay

0

Wararka ka imaanauan wadada isku xiriirisa magaalooyinka Doolow iyo Beled Xaawo ee gobolkaGedo  ayaa sheegaya in halkaas laga Helay Miinooyinka dhulka lagu aaso oo badan.

Wararka ayaa sheegaya  in qaraxyadaan oo nuuca culus ah laga soo bixiyay wadada maalintii talaadada oo ay taariikhdu ku beegneed 15/09/2020, kuwaasi oo la sheegay in loo Qorsheeyay in lagu Dilo Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo wafdi uu hogaaminayo oo halkaas ku sugan.

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa gobolka Gedo u jooga maxkamadeynta eedeysanayaal la tuhunsan yahay iney ka tirsan yahiin ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here