HomeWarkiiQaraxyo Xalay waqti danbe ka dhacay Degmada Dayniile.

Qaraxyo Xalay waqti danbe ka dhacay Degmada Dayniile.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Qaraxyo Xooggan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay Waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile Magaalada Muqdisho.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in kooxo alshabaab ah oo guri ku yaal xaafada barwaaqo qarax ku diyaarinayay uu iyagii ku qarxay islamarkaana uu salfaday.

Qaraxa kale ayaa la sheegay inuu ka dhacay mooto bajaaj iyadoo ciidamada amaanka Dayniile  ay dhowr qofood u soo qabteen inay ku lug leeyihiin qaraxyadaasi.

Dadka ciidamadu qabteen qaarkood dhaawacyo aan sidaan u cusleyn ayay qabaan walina ma jirto wax cadeynaya inay ku lug leeyihiin laakiin waxay u badan tahay in tuhun loo xirey.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -