Baladweyne (dayniiile.com)-Qaraxii shalay waxaa laga soo wariyay qisooyin dhowr ah markii uu saameyn ku yeeshay xaafado badan oo Baladweyne ka tirsan islamarkaana ay dad badani ku eeriyoodeen.

Sida BBC-da ay sheegtay Qoys ka mida dadkii shalay ehelkoodu uu qaraxa wax wax ku noqdey ayaa duugtay meydka wiil ay moodayeen kooda.

Advertisement

Hadaba waxaa dhacday inuu ka soo wacay Magalada Muqdisho isagoo dhaawac ahaan loo geeyay,madaama xalay dadkii dardarnaa laga qaaday Baladweyne.

Qof Qoyska ka mida ayaa sheegay inay arintan ku dhacday markii meydka ay qaateen ay wajigiisa ku adkaatay inay  si fiican u aqoonsadaan taasina ay sababtay inay u qaataan meydka wiilkooda .

Qoyskaan oo marna murugo ay soo wajahday ayaa hadana farxad u anbeysay markii wiilkoodii uu soo hadlay isagoo nool

.Dadka qaraxaasi ku dhintay waxaa la soo wariyay inay ku jireen dad isku qoys ah inkastoo tira koob sax ah laga heyn madaama qaraxu gaaray guryaha dadka shacabkaahi degan yihiin kuwaasoo qaarkood meydad saaka laga helay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxaa ka soo baxay kulankii Jabuuti ku dhex maray Madaxweyne Xasan iyo Wasiirka Gaashaandhiga Mareykanka
Next articleCiidamada ATMIS oo ka caawiyanaya Ciidamada Soomaalida sugida amniga Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here