Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax  xalay  ka dhacay degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose waxaana la soo sheegayaa in uu haleelay gaari ay saarnaayeen ciidanka daraawiishta Koofur Galbeed.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay ku dhawacmeen ku dhawaad 10 askari,  waxaana laga deyrinayaa xaalada caafimaad ee laba kamid ah ciidankaas.

Sidoo kale Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib  ay ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed ay sameeyeen howlgal, kuwaasi oo ku baadi goobiyay kooxihii ka dambeeyay weerarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here