Safiirkii hore ee Dowladda Maraykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Stephen M. Schwartz, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowlada Qatar oo maalgalisa Fahad Yaasiin iyo Hay’adda NISA ay qatar ku yihiin dimuquraadiyada Soomaaliya.

Stephen M. Schwartz, ayaa sheegay in dowlada Qatar u adeegsaneyso Fahad iyo Ha’adda NISA uu maamulo in uu ku wiiqo awooda dastuurka Soomaaliya u degsan iyo hanaanka dimuquraadiyada ee xil isku wareejinta.

”Fahad Yasin oo taageero ka helaya Qatar waxa uu Hay’adda NISA u rogay qaabkii ugu weynaa ee Farmaajo u wiiqay dastuurka Soomaaliya, xeerarka dimoqraadiyadda, taasi waxa ay dhalisay in Xaaladda xuquuqul insaanka ay ka sii darto, dawladnimadii macno beesho, Al shabaabka culaysku ka yaraado” ayuu yiri Danjire Stephen M. Schwartz

Diblumaasigan Mareykanka u dhashay ayaa sidoo kale dowlada uu hogaamiyo Farmaajo ku eedeeyay in ay iska indha tireyso baaqyada joogtada ah ee ka imaanaya Beesha caalamka ee ku aadan in la qabto doorasho u dhacda si xor iyo xalaal ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here