Wararka ka imaana Waqooyiga Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu ka bilaawday barakac ku aadan, Dagaaladii goor dhawayd ka qarxay halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay naftooda kala cararayaan dagaalada ka soo cusboonaaday Muqdisho oo u dhaxeeya Ciidamo ka soo hor jeeda Mudo kororsiga Dowlada waqtigeeda dhamaaday iyo kuwa taageersan.

Degmooyina, Sanco, shibis shangaani kaaraan ayaa intooda badan laga qaxayaa sida au sheegayaan dadka deegaanka, dadka ayaa Naftooda kala cararaya Dirirtaas.

Sidoo kale Qaxan ayaa imaanaya xili Ciidamada ka soo hor jeeda mudo kororsiga ay la wareegeen isgosyka Sanco ayna ku sii jeedaan goobo kale oo muhiim ah sida isgoyska Siinaay oo laga galo Madaxtooyada ilaa isgoyska Xararyaale oo ku Beegan Villa Somaliya.

.
Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here