HomeCiyaarahaQiimaha suuqa ee Vinicius Jr oo hoos u dhacay; sababaha ugu waaweyn...

Qiimaha suuqa ee Vinicius Jr oo hoos u dhacay; sababaha ugu waaweyn oo la shaaciyay

XIGASHO LAACIB.NETWargeyska Isbaanishka Mundo Deportivo ayaa sheegay in shabakadda qiimeynta ciyaartoyda ee Transfermarkt ay soo saartay warbixinteedii ugu dambaysay ee ku saabsan ciyaartoyda La Liga, taasoo muujisay hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha suuqa ee xiddiga reer Brazil ee Vinícius Júnior.

Vinícius ayaa qiimihiisu kasoo degay €200 milyan bishii Diseembar 2024, wuxuuna u dhacay €150 milyan hadda, kaddib markii uu gaaray €170 milyan bishii Juun – taas oo noqonaysa hoos u dhacii labaad oo xiriir ah.

Blasio, oo ah masuulka qiimaynta La Liga ee Transfermarkt, ayaa sharaxay in Vinícius uu lumiyay qeyb ka mid ah saameyntiisa tan iyo markii uusan ku guuleysan Ballon d’Or sanadkii hore, isla markaana isbeddelka tababaraha Real Madrid uu sabab u noqday in doorkiisa kooxda uu yaraado, taas oo saamayn ku yeelatay qiimihiisa suuqa.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay hoos u dhaca qiimaha dhowr ciyaaryahan kale oo ay ka mid yihiin:

Gavi (-€40m)

Marco Asensio (-€30m)

Eduardo Camavinga (-€50m)

Rodrygo (-€80m)

Dhanka kale, qaar ka mid ah ciyaartoyda cusub ee Real Madrid ayaa qiimahoodu si muuqata kor ugu kacay, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin:

Franco Mastantuono – €50m

Arda Güler – €60m (kaasoo noqday ciyaaryahanka Turkiga ugu qaalisan taariikhda)

Álvaro Careras – €50m

Huijsen – €70m

Ugu dambayn, warbixintu waxay xaqiijisay in Lamine Yamal oo Barcelona u ciyaara uu weli yahay ciyaaryahanka ugu qaalisan La Liga, qiimihiisuna yahay €200m, isaga oo ka sarreeya labada xiddig ee Real Madrid, Kylian Mbappé iyo Jude Bellingham, oo mid walba lagu qiimeeyay €180m.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -