Waxaan ka soo ururinay xikmadahan qaar ka mid ah buugaagta ay qoreen Aqoonyahano Carbeed oo ku takhasusay cilmiga Bulshada.

Raisulwasaarihii Ingiriiska, Winston Churchill oo ahaa nin buuran ayaa isaga oo la kaftamaya Bernard Shaw oo ahaa nin caato ah wuxuu ku yiri “Qofkii ku arko wuxuu u maleynayaa in ay Ingiriiska ka jiraan abaar iyo nafaqadarro xooggan.”
Bernard Shaw ayaa ugu jawaabay “Qofkii adiga ku arkana wuxuu ogaanayaa sababta nafaqadarrada keentay!”

Qiso kale:
Bari baa qoom loo doortay Boqor aan aftahan ahayn kadib boqorkii baa la sheekeystay nin ka mid ah dadka caaqilka ah, wuxuuna ku yiri markii la idoortay dalkan wax Abaar ah kama dhicin dadkana waxaa la iisheegay inay ijecel yihiin ee ka waran caaqilow.

Caaqilkii wuxuu ku jawaabay “Markii lagu doortay ayaan ku ducaystay in uusan Alle iskugu keen darin labo musiibo,
adiga oo aan hadal aqoon, iyo abaar dar xumo iyo musiibo noo horseeda.

Qiso kale:
Bari baa boqr kale oo aan Aqoon Nolosha dadkisu ku nool yihiin ayaa Juxe ku yiri “Juxoow waan ku garan waayay markii aan meel fog kaa arkay, balse mar dambe oo aan dameerkaaga aqoonsaday ayaan ku ogaaday in aad Juxe tahay” Juxe oo qoslaya lana yaaban Boqrkan wuxuu ugu jawaabay “waa runtaa, oo dameeruhu way is yaqaanaan”

Lasoco Xikmado dhawr ah maalmaha soo socda.

Ustad Nadara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here