Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Hay’ada Qaramada Midoobe ayaa isla gartay in qiimeyn lagu sameeyo saamayntii ka dhalatay roobabka El-nino ee dhammaadkii sanadkii tagay.
Go’aankaan waxaa looga dhawaaqay kulan  ay Maanta yeesheen Gudoomiyaha Hay’ada Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya   Maxamuud Macalin Cabdulle iyo masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobe oo uu hogaaminayay ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaablisan Qaramada Midoobay ahna madaxa isku duwidda xafiiska arrimaha bini’aadinnimo.
Sidoo kale waxa shirka goob-joog ka ahaa madax ka socotay  Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Maalgashiga Xukuumada Somalia iyo Hay’ado caalami ah sida Bangiga aduunka iyo  Midowga Yurub.
Shirka Maanta waxaa sidoo kale ay labada dhinac isku afgarteen in ku dhawaad 75 qof loo tababari doono diyaarinta iyo soo bandhigidda saamaynta ka dhalatay xaaladda El-nino.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people, newsroom, dais and text that says "D"May be an image of 6 people, table, newsroom and textMay be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 6 people, newsroom, dais and text that says "UNI"May be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 8 people
Previous articleXildhibaan C/raxmaan C/shukuur dhor su’aal ka keenay heshiiskii Dowladu la gashay Turkey
Next articleHowlgal Maanta laga fuliyay deegaano hoos taga Gobolka Bay+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here