Qaramada Midoobe iyo Isra’iil ayaa la sheegay inay hawada isu mariyeen hadalo adag kadib war ka soo bilowday dhanka QM.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa hore wuxu u sheegay in weerarkii Xamaas ku qaaday Isra’iil uusan midno daro ku imaan balse ay ka dhalatay 50 sano oo go’doomin lagu hayay shacabka Falastiin.

Advertisement

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Israa’iil inay ku xad-gudubtay sharci caalamiga ah caalamiga ah ee dhanka bini’aadantinimada.

Wasiirka arimaha dibda Isra’iil ayaa ka Carooday warka ka soo baxay Antonio Guterres wuxuuna markiiba kubqorey X oo hore loogu yaqaanay Twitter inuu kansalay kulan ama shir ay ku balansanaayeen Guterres.

Wuxuu ugu baaqay inuu casilo taasoo cadeyneysa sida uu u dhibsaday warka ka soo baxay masuulka qaramada midoobe ugu sareeya.

Dhanka kale Xamaas ayuu sheegay inay tahay in gabi ahaanba la tirtiro jiritaankooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze muxuu kala hadlay Danjiraha Maleysiya+Sawirro
Next articleRa’iisulwasaaraha iyo Danjiraha Midowga Yurub oo Muqdisho ku kulmay+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here