HomeWarkiiQM oo ansixisay qaraarkii Somalia kula wareegeysay maareynta Madaxa Bannaan ee arimaha...

QM oo ansixisay qaraarkii Somalia kula wareegeysay maareynta Madaxa Bannaan ee arimaha Xuquuqul Insaanka

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, oo Soomaaliya ay kula soo wareegeyso maareynta Madaxa Bannaan iyo waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka, kaasi oo Soomaaliya ka maqneyd tan 1993-dii.

Guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii loogu codeeyey ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka Xuquuqul Insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sanadoodba mar.

Guushaan ayaa qeyb ka ah guulaha isdaba-joogga ah ee Soomaaliya ka gaartay fagaareyaasha caalamka, iyadoo horey ay Soomaaliya ugu guuleysatay qaadista cunaqabateyntii hubka iyo deyn-cafinta.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, oo hogaamineysa wafdiga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Geneva, ayaa tallaabadan ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -