New York (dayniiile.com)-Kulankii muhimka ahaa ee ay yeesheen Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay si buuxda isugu raaceen qaraar lagu dalbaday Xabad joojin laga hirgeliyo Magaalada Gaza oo uu ka socdo xasuuq ay wadaan Gumeystayaasha Israa’iil.

Inkastoo qaraarkaani uusan dhaqan gelin ayaa hadana cod buuxa lagu meel mariyay dalbashada xabbad-joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah oo laga sameeyo Qasa.

Advertisement

153 dowladood oo xubnaha ka ah Golaha Amaanka QM  ayaa u codeeyay, waxaa diiday 10 Dal oo Mareykanka iyo Israa’iil ka mid yihiin, sidoo kale waxaa  ka aamusay 23 dal.

Talaabadaan ayaa noqoneysa isku daygii labaad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, maalmo ka hor ayay ahayd markii Mareykanu codka diidmada qayaxan ku hor istaagay qaraarka xabad joojinta oo ay Carabtu gudbiyeen markii ay aqbaleen 13-ka mida 15-ka dal ee Golaha Amaanka QM xubnaha ah.

Si kastaba Qaraarkaan dhibaatooyinka la kulmaya ayaa soo bilwoday bishii Oktoobar kaasoo ku baaqayay xabad-joojin bini’aadantinimo, waxaa ogolaaday bilowgiisii 121 dal , waxaa diiday 14  Dal halka ay ka aamuseen  44 Dal.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIIILE.COM

Golaha ammaanka ee Qaramada MidoobeyGolaha ammaanka ee Qaramada MidoobeyGolaha ammaanka ee Qaramada Midoobey

Previous articleShukumaan kaamirooyin qarsoon lagu dhex qariyay oo suuqa lagu iibinayo
Next articleSarkaal Booliis oo lagu dilay Dalka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here