NEW YORK (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Hay’ada Qaramada Midoobe ayaa lagu shaaciyay in Dowlada Imradku si bareer ah u jabisay xayiraadda hubka ee saaran kooxo Somalia iyo Libiya ka jira sida Alshabaab iyo Daacish oo kale.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobe kooaha ka dagaalama Somalia iyo Liibiya waxaa u gacan galay qalab Milateri oo Imaaraadku hore uga soo iibsaday Dalka Britain.
Dalalka hubka ka iibiya Imaraadka ayaa hada cadaadis lagu saarayaa inay joojiyaan agabka Milateri ee ay ka iibiyaan Imaaraadka si hubkaasi uusan ugu gacan galin kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Somalia iyo Liibiya.
Imaraadka ayaa dhankooda si weyn u qaadacay warkaan ka soo baxay Qaramada Midoobe ee iyaga ku eedeynaya inay kooxah hubeysan ee Somalia iyo liibiya ka dagaalama ay hubeeyaan.
Kooxda ka dagaalanta Dalka Sudan ee RSF ayaa ka mid ah kooxaha lagu arkay hubka UK uu soo saaro kadib markii Imaaraadku uu gaarsiiyay,Sarkaal QM ka tirsan ayaa sheegay in tallaabadan Imaaraadku ay halis ku tahay nabadda gobolka, Sidoo kale wuxuu sarkaakaani xusay in tani ay abuureyso fursadda hubka sharci darrada ah lagu geyn karo Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
