HomeWarkiiQM oo maanta u codeyneysa Qaraarka Soomaaliya ay kula soo wareegeyso Maareynta...

QM oo maanta u codeyneysa Qaraarka Soomaaliya ay kula soo wareegeyso Maareynta Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka

GENEVA(DAYNIILE.COM)- Magaalada Geneva ee Dalka Swizerland Waxaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba-gabeeyo shirweynaha 60-kaad ee Xuquul insaanka Qaramada Midoobe oo mudo bil ah socday xili Somaliyana ay ka qeybgaleyso, waxaana ku matalaya Wasiirka arimaha qoyska iyo xuquul insaanka Khadiija Maxamed  Amakhzuuni.

Dowlada Somalia ayaa dooneysa inay maanta soo gabagabeyso howl soo socotay mudo sanado ah oo ay ku dooneysay inay kaga gudubto marxaladii ay madax banaanideeda xuquuqul insaanka ay ku soo ceshan lahayd.

Wasiirka arimaa qoyska iyo xuquuql insaanka Khadiija Almakhzuuni ayaa shir gudoomisay kulan Xarunta Qaramada Midoobe ka dhacay oo Somalia ku dalbatay Qaraarka Soomaaliya ay kula soo wareegeyso Maareynta Madaxa Bannaan waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka.

Wasiirada waxay ku soo bandhigtay shirka gaarka ah horumarka ay Somalia ka gaartay xuquuqul insaanka,sidoo kale shirweynaha guud ee 60-aad loogana hadlayay xuququl insaanka ayay wasiiradu khudbadeeda ku soo bandhigtay Somalia meesha ay maana taagan tahay halka ay ka timid iyo sida ay somalia ugu ilan tahay inay ka warbixiso xuquuqul.

Wasiirada waxay tusaale u soo qaadatay inay Somalia dhistay gudiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka qaranka, waana lagu taageeray dadaalka Somalia  inkastoo ay jireen dalal iyo hay’ado ka soo horjeeday.

Si kastaba Golaha Xuquuqul Insaanka QM ayaa maanta u codeynaya Qaraarka Soomaaliya ay kula soo wareegeyso Maareynta Madaxa Bannaan waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka oo ka maqnaa tan iyo burburkii Dowladii kacaanka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -