QODOBADII KA SOO BAXAY SHIRKII DHUUSAMAREEB3 WAXAA LOOGU DANEEYAY KOOXDA FARMAAJO

0

1) Heshiiskii ay gaareen 19/08/2020 Dowladda dhexe iyo qaarka mid ah Dowlad Goboleedyada dalka ee Dhuusamareeb3 waxaa loogu daneeyay kooxda Farmaajo oo dooneeyso in dalka laga qabto doorasho la’yaqaano musharraxa guuleysan doono kaas oo ah Farmaajo.

Waxaase la’yaab leh in aan la’aqoon Somaliya meesha ay u socoto oo Dalkii oo qaar maqanyahay mar walba koox inteey meel fadhiisto wax iska soo saarto oo ay haddane tiraa Dagaanada ka maqan shirkeenna wixii aan soo saarno ayaa lagu maamulayaa, Somaliland koofur wax lama dhisan 1991dii kaddib haddane hal usbuuc looma hakin shir oo lama dhihin halla raadiyo Somaliland, halkii la’raadin la’haa Dagaankaas dhan oo shirka ka maqan dad Somaliland u dhashay oo qurbaha ka yimid ama Xamar iska joogay ayaa inta Dagaan kale la’iskugu geeyo ayaa la’yiraa is doorta idinka ayaa Somaliland matalee, dhanka kale haddii ay reer Koofur maqlaan Somaliland ayaa Dowlad heshiis la’gashay sida Masar,Taiwan iyo kuwa kale reer Koofur qeeylo ayeey afka furanayaan oo waxay leeyhiin maxay Dowladahaan Somaliland ka rabaan annake ayeeyba Somaliland naga mid tahee oo haddeey kaa mid tahay Somaliland maad shirka iyo meesha Dowladda aad ku dhisaneeyso ugu yeertid oo xataa haddii ay diido Somaliland in ay shirka ka soo qeeyb gasho maa shirka la’joojiyo oo raadinta Somaliland juhdi iyo wakhti la’galiyo? taas waxay reer koofur ka doorteen in ay dalka kala jaraan oo ay ka socdaan Somaliland.

Hadda haddane mar kalane shirkii Dhuusamareeb3 Puntland iyo Jubbaland oo maqan ayaa go’aan la’gaaray halkii inta shirka la’joojiyo Bisha dambe loo ballamo raadinta Jubbaland iyo Puntland wakhti iyo maskax la’galin la’haa laakiin taas lama yeelin, hadda Barlamanka Jubbaland iyo Puntland ma’waxaa lagu dooran doonaa Caasimadda mise Dowlad Goboleedyada? taas oo haddane noqoneeyso sii kala fogeeyn shacabka Soomaaliyeed iyo Bur Burin cusub oo Qaranka Soomaaliyeed tii Somaliland kaddib.

2) Doorashada hadda leeysku hayo waa laba nuuc:

A) Kooxda Farmaajo oo dooneeyso in ay dalka ka qabato wax doorasho lagu sheegay oo aan sifo doorasho la’heeyn oo la’mid ah wixii uu Taliskii Askarta qaban jiray oo doorasho lagu sheegi jiray taas oo musharraxa guuleeysanayo la’yaqaano oo xataa aan Kaabihii Askarta lala tartami jirin oo shacabka Soomaaliyeed markii uu la’yaabay uu yiri: (ninka dooran doorta xoow dhahdeen annakkane noo dambaajiseen) iyo doorasho ku sheegii ay kooxda Farmaajo ka qabatay Koofur Galbeed iyo Galmudug mid la’mid ah taas oo aan sifo doorasho la’heeyn oo marka horaba la’ogyahay musharaxa soo baxayo sidii loo ogaa in ay soo baxayaan Lafta Gareen iyo Qoor Qoor, hadda doorashada ay raadinayaan kooxda Farmaajo waa doorasho ku sheeg laakiin aan sifo doorasho la’heeyn oo la’sii ogyahay in uu Farmaajo soo baxayo si uu u soo baxane marka hore loo diyaariyo mudane yaashii barlaman oo asaga dooran la’haa.

B) Doorasho kale oo ay doonayaan Dowlad Goboleeydyada Puntland iyo Jubbaland, Xisbiyada Qaran, Xisbiga Wadajir iyo Xisbiyo kale iyo waliba Soomalida damiirka leh oo dooneeyso Qaran sharaf leh in uu dalka Soomaliya ahaado.

Doorahadaan waa mid xor iyo xalaal ah oo aan la’ogeeyn musharraxa guuleeysan doono oo la’mid ah tii uu Qarankeenna qaban jiray xiligii aan la’heeyn Dowlad sharaf iyo qiimo leh ee 1960kii ilaa 1969kii, waa xusuustaa shacabka Soomaaliyeed doorashadii ay ku tartameen Madaxweyne Aden Cadulle Cismaan (Aden Cadde) iyo siyaasigii hoggaanka Qaranka kula tartamay ee Cali Jimcaale Baraale lama ogeeyn musharrax guleeysan doono ilaa codadka la’tiro kaddibne la’ogaaday in uu codad badan helay Madaxweyne Aden Cadde oo uu saas ku guuleeystay iyo tii ay ku tartameen Madaxweyne Aden Cabdulle iyo Madaxweyne Cabdrashiid Cali Sharmaarke oo aan la’ogeeyn musharraxa soo bixi doono ilaa uu codad badan helay Madaxweyne Cabdirashiid oo saas ku guuleeystay, sidoo kale labadii doorasho Qaran oo ugu dambeeyay oo Xamar lagu qabtay oo ay kala diyaariyeen labadii Madaxweyne oo Farmaajo ka hooreeysay iyo raiisulwasaare yaashoodii sida Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh lama ogeeyn labadaas doorasho musharraxa guuleeysan doono maxaa yeelay doorashooyinka ayaa ahaa kuwa xor iyo xalaal ah oo la’mid ah tii uu diyaarin jiray Madaxweyne Aaden Cadde.

Doorashooyinkii xorta iyo xalaasha ahaa oo ay qaban jirtay Puntland oo aan la’ogeeyn musharraxa soo bixi doono, xusuuso: lama ogeeyn in uu soo bixi doono Madaxweyne Faroole, sidoo kale lama ogeeyn in uu soo bixi doono Madaxweyne Gaas, asne lama ogeeyn in uu bixi doono Madaxweyne Dani ilaa codadka la’tiro oo natiijada lagu dhawaaqo taas waxay ku dhacday doorashooyinkaas ay Dowladda Puntland qabatay ayaa ahaa kuwa xor iyo xalaal ah oo aan aheeyn doorasho ku sheeg xaaraan ah sidii tii ay ka qabatay kooxda Farmaajo Koofur Galbeed iyo Galmudug oo guleeystaha cid walba sii ogeeyd.

3) Hadda qodobada ka soo baxay shirka Dhuusamareeb3 waa qodobo u golol xaarayo wax doorasho lagu Sheegay oo aan sifo doorasho la’heeyn oo ah tii ay raadinayeen kooxda Farmaajo oo musharraxa guuleysan doono la’sii ogyahay: bal fiiri qodobadaan shirka ka soo baxay oo aad isleedahay kooxda Farmaajo ayaa inta qol isku xirtay kaligeed diyaarsatay.

A) Qodobka 2aad wuxuu leeyahay. guddiga doorashada madaxa bannaan oo kaashanayo Dowlad Goboleedyada ayaa diyaarinayo guddiga soo xulista Ergada wax dooraneeyso.

Horta yaa loo sheegayaa dalka waxaa ka jiro guddi doorasho oo madax bannaan. guddiga la’sheegayo Guddoomiyihiisa Xaliimo yareey iyo Farmaajo miyaa laba qof kala ah? jawaabtu waa maya, waa hal qof xagga aragtida balse magaca ayaa u kala badalan sidaas darteed qodobkaan wuxuu leeyahay: Farmaajo soo xulo guddiga Odayaasha oo soo xulayo Ergada si ay kuugu soo xulaan Ergo doorato xubintii Barlaman oo ku dooran la’heeyd. taas badalkeeda waxay aheeyd in uu qodobkaan lagu qeexo Beel walba ha’soo xulato Ergadeeda si ay u doortaan Beeshu musharraxii ay rabaan.

B) Qodobka 7aad wuxuu leeyahay: guddiga doorashada waxay kuraasta u wareejin karaan meeshii ay rabaan ayakoo qiil ka dhiganayo amni xumo, guddiga iyo Farmaajo waa hal qof markaas qodobkaan wuxuu si CAD u leeyahay: Farmaajo kursi walba meeshii aad rabto geeyso si uu qofka aad rabto u soo baxo kaddibne marka dambe uu adiga kuu doorto, waxay aheeyd in Beel walba kursigeeda loo madax banneeyo oo ay geeysato meeshii ay rabto.

C) Qodobka 9aad wuxuu leeyahay: in qorsheeyta iyo fulinta looga dambeeyo guddiga madaxa bannaan ee doorashada. taas macnaheedu waa Farmaajo hallooga dambeeyo wax walba oo ku saabsan doorashada si uu u soo xusho xubno Barlama oo asaga doorto: sida saxda ah waa in Beel walba kursigeeda musharraxiinta ku tartameeyso iyo Ergada dooraneeyso ay ayadu qorsheeysato.

D) Qodobka 10aad wuxuu leeyahay: doorashada waxaa lagu galayaa Xisbiyo: qodobkaan ujeedka laga leeyahay waa in uu Xisbiga Farmaajo meel walba musharrax geeysto laakiin haddii Xisbiyo meesha laga saaro Beelaha ma’dhax ordi karaan kooxda Farmaajo oo markiiba waxaa la’leeyahay war adiga beesheenna maxaad ka dhax sameeyneeysaa: waliba qodobkaan wuxuu xorriyadda ka qaadayaa Muwaadin aan Xisbi aheeyn oo qodobku ku leeyahay kursiga Beeshaada uma tartami kartid, waxay aheeyd in Xisbi meesha laga saaro oo xubnaha Beesha ay kursigooda ku tartamaan sidii kal hore kadibne ay soo saaraan qof xor ah.

E) Qodobka 11 wuxuu leeyahay heshiiskaan waa in loo gudbiyo Golaha Sacabka si ay u ansixiyaan taas oo looga jeedo in lagu fuliyo ballan qaadkii Farmaajo ee ahaa wixii Dhusamareeb3 ka soo baxo Ma’ogolaan doono Golaha Sacabka ayaana go’aanka iska leh markaas Golaha Sacabka waxay ansixin doonaan wixii Farmaajo dan u ah oo kali ah, meesha kuma jirin loomana baahneeyn Barlaman oo heshiiskaan waa mid aan Barlaman khuseeyn oo ah mid ay Somali oo dhan ku heshiisay oo is la’ogol ku yimid ee ma’aha mid loo codeeynayo.

4) Doorashadaan waa mid qabiil oo ah 4.5 wax kaalin ahne kuma leh guddi doorasho balse guddiga doorashada waa Farmaajo oo loo bixiyay magaca guddi doorasho lana rabo in uu doorashada maamusho kana dhigo wax doorasho lagu sheegay oo aan sifo doorasho la’heeyn oo musharraxa guuleysan doono la’yaqaano kaas oo ah Farmaajo oo marka hore soo xusho xubnihii asaga dooran la’haa: TAASNE XAL SOMALIYEED IYO WANAAG SOOMALIYEED MIDNE MA’AHA.

5) Qodobadaan waxaa soo saaray Madaxweyne yaal uu Farmaajo horay Madaxweyne uga dhigay kuna soo saaray doorasho ku sheeg xaaraan ah oo guuleeytaha horay loo ogaa sida Madaxweynaha Koofur Galbeed lafta Gareen iyo Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor, Madaxweynaha Hirshabeele Waare oo aan ayaka ka fogeeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish oo markii horaba shirka loo keenay in uu RIIXO kuna dadaalo in ay shirka ka soo baxaan qodobo Farmaajo u daneeynayo meeshaba kuma Jirin mas’uul la’magaabay oo qofkii magacaabay amarka ka qaadanayo in loo diro in uu jaan gooyo masiirka umadda iyo doorasho, madaxda shirka ka qeeyb gashay markii dib loo milicsado Somali waa ku rajo xumeeyd shirka haddane qodobada soo baxay waa kuwa u gogol xaarayo doorasho ku sheeg la’sii ogyahay musharraxa soo bixi doono kaas oo ah Farmaajo.

6) Hadda shacabka Soomaaliyeed rajada kali ah oo uu leeyahay waxay tahay: maadaama aysan qeeyb ka aheeyn Puntland iyo Jubbaland soo saaridda qodobadaan xaaraanta ah in dib la’isugu noqdo oo ay Puntland iyo Jubaland ka soo qeeyb galaan shirka dambe.

Haddii ay Puntland shirka ka soo qeeyb gasho lama soo saari doono qobo u gogol xaarayo doorasho ku sheeg u daneeyneeyso hal musharrax oo musharraxa guuleeysan doono la’sii ogyahay sida kuwa hadda la’soo saaray, taas badalkeeda waxaa la’soo saari doonaa qodobo u horseedayo doorasho xor iyo xalaal ah oo aan musharraxa guuleysan doono la’aqoon oo la’mid ah tii ay Puntland qaban jirtay maxaa yeelay noocaas xalaasha ah ayeey taqaan Puntland, inkastoo aysan doorasho wanaagsan qaban Jubbaland haddane wakhti xaadirkaan waxay ku fikir tahay Puntland oo waxay wax ka soo saari doontaa doorashada xorta ah oo ay Puntland rabto.

Guul Soomaaliyeed iyo doorasho xor iyo xalaal ah in dalka laga qabto kama sokeeyso shirka oo dib leeysugu noqdo oo Puntland iyo Jubbaland ay ka soo qeeyb galaan.

Barre Shukri Elmi
barreelmi@gmail.com

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here