warar lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegaya in Meydka nin dhalinyaro ah oo xiran direyska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lasoo dhigey halka lagu magacaabo Laanle oo duleedka ka ah Guriceel.

tani ayaa argagax galisay Dadka deegaanka sidoo kale  waxaa la sheegay in ninkan ay tuhmayaan in laga soo qaaday gudaha magaalada, laguna dilay goob kale la soo dhigay halkaas gabal-dhicii maanta.

Meydka askarigan ayaan illaa hadda la aqoonsan, waxaana jirkiisa ka muuqdo dhaawacyo rasaaseed oo dilkiisa loo adeegsaday

Sikastaba ha ahaate Falkan ayaa ku soo aadaya xili dhowaan xoogaga Ahlu suna ay dib u qabsadeen degmada Guriceel oo ay horey gacanta ugu hayeen maamulka Galdumudug, taasoo dhalisay xiisad dagaal oo labada dhinac u dhexeysa taasoo aan weli xal loo helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here