XIGASHO LAACIB.NET
Halyeyga Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sheegay in khadka dhexe ee Arsenal, Declan Rice, uu yahay ciyaaryahanka ugu habboon ee la wareegi kara kabtannimada xulka England marka Harry Kane uu ka fariisto ciyaaraha caalamiga ah.
Rooney wuxuu tilmaamay in Rice uu yahay beddelka saxda ah ee Kane, isagoo xusay in 26-jirkan uu yahay ciyaaryahan ay wada jecel yihiin dhammaan dadka ku xeeran.
Rooney oo ka hadlayay barnaamijkiisa BBC ayaa yiri:
“Aniga ahaan, Declan waa kan u muuqda inuu sugayo maalinta uu Harry Kane howl gabka noqonayo”
Wuxuu sii raaciyay:
“Wuxuu ahaa mid cajiib ah [kulankii Everton]. Isaga ayaa ah qofka saxda ah ee la wareegi kara [kabtannimada Harry Kane] aniga ahaan, sababo la xiriira dadaalkiisa iyo shakhsiyaddiisa.”
Rooney wuxuu mar kale adkeeyay:
“Qof walba wuu jecel yahay, kuwa yaqaan iyo kuwa u dhowba. Waa ciyaaryahan aan la beddeli karin marka ay timaaddo xulka England.”
XIGASHO LAACIB.NET
