Waxaa magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ka dhacday doorashada guddoomiyaha cusub ee Cabudwaaq iyo ku xigeenkiisa, waxaana Guddoomiyaha loo doortay Muxiyadiin Aadan Sheekh Cali iyo ku-xigeenkiisa oo laga dhigay Axmed Diiriye .

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa hambalyo udiray guddoomiyaha la doortay ee degmada Cabudwaaq iyo ku xigeenkiisa, Muxiyadiin Aadan Sheekh Cali iyo Axmed Diiriye Maxamed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku boggaadiyey golaha deegaanka cusub ee degmada Cabudwaaq , sida hufan oo ay uga qeyb qaateen doorashada gudoonka degmada Cabudwaaq, sidoo kalena bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug oo hirgelisay doorashada.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn xusay in tallaabadan ay dhiirogalin u tahay hannaanka dowladnimada Galmudug, lagana hirgelin doono dhammaan degmooyinka Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here