Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya inuu fashil kusoo dhammaaday qorshe la doonayay xilka looga qaado Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Xubno ka tirsan Guddiyada doorashooyinka heer Federaal ayaa la sheegay inay wadeen Mooshinka xilka ay uga qaadayaan Guddoomiye Cirro oo lagu eedeeyay inuu ku milmay Arrimaha siyaasadda dalka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada ay faragelin ku sameeyeen qorshaha socday ee lagu ridi rabay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka, iyagoona la tilmaamay inay kala baxeen xubnaha ku matala Guddiga.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Guddoonka Guddiga doorashada heer Federaal oo ay uga hadlayaan qorshaha la sheegay inuu fashil kusoo dhammaaday ee la doonayay in xilka looga qaado Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro oo eed loo jeediyey.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, iyada oo dhawaan ay soo baxeen warar sheegayay in Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay hakiyeen doorashada, balse markii dambe Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ay beeniyeen wararkaas oo lagu faafiyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here