MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa si weyn u shaac baxay oo durba dhagaha shacabka qaarkood gaaray qorshe u qarsoonaa Madaxweyne Xasan oo beri daaha laga rogi doono marka lagu guuleysto ansixinta dastuurka shirka beri ay u balansan yihiin Baarlamaanka labadiisa aqal .
Qorshaha Madaxweyne Xasan ayaa ah in wixii beri ka danbeeya aysan jiri doonin magaca Madaxweyne inaan la dhihi karin cid aan ahayn Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada waxaa loogu yeeri doonaa Gudoomiye tusaale Saciid Deni ama Cali Guud-laawe ama Qoor iyo dhamaan hogaamiyayaasha Maamulada waxaa loogu yeeri doonaa Gudoomiyaha Maamulka ama hogaamiyaha.
Qorshahaan wuxuu dhaqan geli doonaa marka Beri Labada aqal ee Baarlamaanka Somalia ay ansixiyaan qabya tirka Dastuurka Somalia oo mudadii ugu danbeysay laga doodayay iyadoo inta badan la dul istaagay.
Dhanka kale Madaxweyne Xasan ayaa saxiixi doona beri marka Baarlamaanka labadaiisa aqal ay u codeeyaan dhameystirka Dastuurka Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa jira in mucaaradku aad u diidan yihiin sidoo kale labada Maamul ee Puntland iyo Jubaland ayaa diidan, laakiin Madaxweyne Xasan wuxuu isku aadistay tirada xildhibaanada labada aqal ee sharci ahaan meel marin karta qorshihiisa sida aan xogta ku helnay wada kasta ha u maree.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
