Qoxootiga reer Itoobiya ee ku sugan magaalada Khartuum ayaa sheegay tani iyo markii ay dagaallada xadka ee Suudaan iyo Itoobiya u dhaxeeya ay billawdeen loo diiday iney lacagahooda ay raashiin iyo shidaalba ku iibsadaan.

Qaar ka mid ah qoxootigaasi oo BBC u warramay ayaa sheegay iyaga oo haysta sharciga qoxootinimada ee ay bixiso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR, ay booliska dalka Suudaan tacaddiyo badan kala kulmaan.

Dadkaasi qoxootiga ah waxay sheegeen dhibaatada iyo cadaadiska inuu ku sii batay wixii ka dambeeyey markii ay billowdeen dagaallada xuduudda ee labada dal u dhaxeeya, taasina ay ku abuurtay walwal iyo cabsi aad u badan.

Waxayna intaasi ku dareen xerada qoxootiga ee UNHCR muddo laba bilood ah marki ay dagganaayeen loo wareejiyo halka lagu qubo qashinka magaalada Khartuum oo aan nolosha ku habbooneyn.

Goobtaasi oo ay sheegeen iney ku nool yihiin 700 oo qoys oo isugu jira qoxooti ka soo kala jeeda Itoobiya, Congo, Burundi, Eritrea iyo waddama kale oo qaaradda Afrika ka tirsan.

Dadkaasi qoxootiga ah waxaa kale oo ay BBC u sheegeen dhibaatooyinka iyo xadgudubyada gudaha dalka Suudaan ku haysta iney si gaar ah u saameeyeen haweenka iyo carruurta.

 

“Dhibaatada ugu badan waxaa noo geysta booliska xilliyada aan xerada ka soo baxno oo aan magaalada adeeg u raadsanno” ayey tiri Kulani Beyene oo Khartoum qoxootinimo ku joogta oo BBC u warrantay.

“Xaaladdu waxay ka sii dartay inta ay billaawdeen dagaalka xadka ee dhaxeeya Itoobiya iyo Suudaan wixi ka horreeyey sida aan hadda nahay waanu dhaannay” ayey yiri.

“Aniga iyo carruurteyda meelna uma dhaqaaqi karno, waxaana noo shaqeeyo seygeyga oo keli ah lacagta uu soo helana ma aha mid kaafin karo noolasha qoyska, rooti si aan u iibsanno markaan saf u galnana dadka waddanka Suudaan si xun ayey noola dhaqmaan” ayey tiri Yeshi Kebede oo BBC u warrantay.

Madaxa waaxda arrimaha qurbajoogta ee safaaradda Itoobiya ay Suudaan ku leedahay Michael Toobiyaas wuxuu sheegay xadgudubka qoxootiga reer Itoobiya ay gudaha Suudaan ku wajahaan sidii wax looga qaban lahaa iney dowladda Khartoum gaarsiiyeen ayna ka shaqeynayaan sidi dadkaasi qoxootiga ah xuquuqdooda u heli lahaayeen.

 

Dagaalka is xulufeysiga”

Maxamed Mustafe Jaamac oo ka tirsan jariiradda Ra’ayul Yawm ee ka soo baxda London wuxuu leeyahay: “Dagaalladan waxay dhacaan sannad kasta oo uu roob da’o, waana dhibaato ka taagan xadka Suudaan iyo Itoobiya, waxa dhacay ma ahaan arrin fudud oo la aqbali karo”.

Wuxuu intaas ku daray: “Dad badan oo reer Suudaan ah oo wax ku qoro baraha bulshada kama cabsanayaan arrinta ah in Suudaan ay ku cadaadiyaan in isbaheysi militari ay la yeelato Masar kaddib walaaca sii kordhaya ee ka dhashay muranka biyo xireenka webiga Nile xilli Itoobiya ay ku dhawday dhameystirka howshaas”.

“Waxay u muuqataa walaaca ay muujinayaan dhallinyarada reer Suudaan in uu yahay mid si dhab ah u jira maadama ay jirto daacadnimada aadka ah ee ay janaraalada ka arrimiyo Suudaan u hayaan Rajiimka Masar, Imaaraatka iyo maamulka Sacuudiga… dadka wax ku qoro Online-ka ee Suudaan waxay codsanayaan in muranka labada dal lagu xalliyo qaab diblumaasiyadeed waa haddii Itoobiya ay aqoonsato dhulkan la isku hayo in Suudaan ay leedahay isla markaana laga hortaggo kooxaha weerarka ku soo qaadayo dalka iyo kheyraadkiisa

 

Axmed Jalal wuxuu wargeyska Al-Rakuubah ee ka soo baxa Suudan u sheegay: “Dadka qaar waxay ku deg degayaan faafinta hadallo aan waxbo ka jirin, waxanay arrinta ku tilmaameen ‘shirqool ay waddo Masar’ taas oo ah in dagaal lala galo Itoobiya iyado la matalayo Masar, sidoo kale in canaasiirta Masaarida ah ay doonayo in dab ay ka dhex shidaan Suudaan iyo Masar si loo joojiyo biyo xireenka weyn ee laga dhisayo webiga Nile”.

Wuxuu intaas ku daray: “Dadkan waxay iska dhaga tirayaan runta, waxayna tahay in ciidammada Itoobiya ay ahaayeen kuwii weerarka ku qaaday saldhigyada ciidammada Suudaan… waxay duullaan ku yihiin dhulkeena wanaagsan si ay u qabsadaan oo ay u maamulaan, ciidammadeena geesiyaasha ayaa iska caabiyay oo jab u geystay, tallabadaas waa shaqada loo igmaday”.

Dhanka kale, Feysal Cawad Xasan oo wax ku qoray wargeyska Suudaan Mail ayaa yiri: “Sida ay muujinayaan daraasado la isku haleyn karo… waxay sheegayaan in Suudaan ay wajaheyso ‘ficil qabsasho ah’ gaar ahaan labo arrimo oo ku saabsan caqabado siyaasadeed iyo in looga guuleystay dhanka hubka iyo dhaqaalahaba”.

 

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here