XERAALE (DAYNIIILE.COM)-Wararka laga helaayo Deegaanka Xanan-tuur ee hoos taga Degmada Xeraaale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi maleeshiyo beeleed abaabulan ku laayeen qoys reer miyi ahaa.

Maleeshiya beeleedka oo la sheegay inay ka soo duulaan tageen Magaalada Cabdud-waaq ayaa xanan-tuur  ku dileen hooyo iyo canug ay dhashay Rabi ha u naxariistee,sidoo kale waxay dhaawaceen aabihii qoyskaasi.

Advertisement

Dableyda dilka fulisay waxaa la soo warinayaa inay goobta isaga baxsadeen markii ay dhibaatada ay gaysteen kadib.

Xiisad beeleedkaan ayaa kacday kadib dilal la sheegay inay ka dhaceen deegaano hoos taga Xeraale, mana jirto cid u istaagtay xalinta xiisadahaan soo laab laabtay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM 

Previous articleKhilaafkii Muuse Biixi iyo Mucaaradkiisa oo dib u soo laba kacleeyay
Next articleAfar nin oo aano qabiil xalay loogu laayay duleedka Dhuusa-mareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here