HomeWarkiiQuusta Aamusan iyo Qaraxa Qarsoon

Quusta Aamusan iyo Qaraxa Qarsoon

WAXAA QOREY: C/RAXMAAN C/SHUKUUR WARSAME

In badan ayaan dhegeystay ra’yiga dad kala duwan oo ka mid ah qaybaha bulshada: arday, jaamiciyiin, shaqaale dawladeed, xirfadlayaal si madaxbannaan u shaqaysta, ganacsto iyo dad danyar ah oo la barakiciyey. Dhammaantood waxay ka siman yihiin daalka, rejoxumada iyo kadeedka dalku marayo.

Waxa welwel weyn ah quusta dadkaasi la nool yihiin iyo sida kuwa xukunka haya uga indhasaaban yihiin xaqiiqada qaraar iyo duruufaha qalafsan ee dadku la dhibban yahay. Hoggaanka dalka iyo horweynta siyaasaddu (political elite), aad ayey uga fogaadeen waaqici dhabta ah iyo duruufta qallafsan ee muwaaddinka caadiga ahi la hardamayo.

Tan laguma tilmaami karo damiir xumo oo keli ah, ee waa miino aasan oo mar walba qaxi karta, waana halista amni qaran ee ugu wayn.

Caqabadda ugu weyn ee maanta haysata dawlad-dhiska dalkeenna waa dhaqan siyaasadeed foolxun, oo ah in dawladnimadii laga dhigtay mashiin lagu macaasho, halkii ay ka ahaan lahayd masuuliyad nafhur ah iyo damiir damqanaya oo bulshada loogu adeego.

Waxaad arkaysaa in si bareer ah la isugu faanayo hantida la tabcaday, guryaha dalka iyo dibadda laga dhistay. Waxa si tamashlayn leh baraha bulshada loogu soo bandhigaa hoteello qaali ah, oo la deggan yahay, dukaamaysi qarash badani ku baxay, xaflado faakihaysi ah iyo dalxiis aan kala go’ayn.

Waxa la dirayaa farriin ah in siyaasaddu aanay ahayn waajib iyo xilkasnimo, ee ay tahay waddo gaaban oo degdeg looga hodmo. Hoggaanka dalku haddii uu cirweyni ku suntanaado, maamulka dawladeed wuu nuxur iyo ruux beelaa, inta kalana jeeb buuxsiga ayey ku beratamaan.

Caqabada hortaagan in dawladnimadeennu hanaqaaddo waa in denbiyada aan iskula xisaabtamin. Kii shalay dadka khatalay, luggooyey, ama hantidooda boobay isagii ayaaba xalaydhalay ah oo berri soo noqonaya.

Halkii ay ka xishoon lahaayeen oo dadka ceebtooda kala dhuumaan lahaayeen, ayaa raggii cirkaweynaa, ee caloosha buuxsaday doorasho qof iyo cod ah ka hadlaya. Waxay iska indhatirayaan jidadka burbursan, qashinka meel kasta tuban, haweenka jidka ku ummulaya, cisbitaallada daawo la’aanta loogu dhimanayo, dugsiyada qarka u saaran in la xiro, iyo caddaaladda qofkii goosan karaahi uu gadan karo. Waxay doonayaan marmarsiiyo kale oo ay muddo kororsi ku sii helaan, si inta harsan loo qabyotiro oo loo boobo. Dhab ahaan, waa dhiigmiirad silica shacabka iyo darxumada dalka ka taagan ku diirsada, oo ku indho doogsada.

Canshuurta iyo khidmadda adeegga dawladeed, waxa lagu naasnuujiyaa shirkado gaar ah oo ay saami ku leeyihiin qoys, saaxiib, ama qof daacad u ah rajiimka. Cashuurtii qaranka ee ay ahayd in lagu dhiso; ciidan qaran, dugsiyo, waddooyin iyo cisbitaallo, kolka laga reebo mushaharaad kooban oo laga bixiyo, inta badan waxay ku dhacdaa jeebka shakhsiyaad gaar ah, oo taliska ehel, xigaal iyo rafiiq la ah. Kooxdani kuma baraarugsana in barakicinta danyarta, illinta hooyooyinka iyo waayeelka; maalinta cad ee la is dhacayo, cadaadiska iyo cabburinta dadka lagu hayo in ay shidaalinayso carada dadweynaha ee daqiiqad kasta laga filan karo in ay ridaan kacdoon bulsho, oo taliskaba soo gebagebeeya.

Rejadu waa ruuxda ugu weyn ee nafta bani’aadamka dhaqaajisa, quustuna waa tan illinka ka soo xirta ee disha. Ganacsatada hantidooda la cararaysa ee Kiiniya, Koonfurta Suudaan iyo Koongo ku maalgelinaysa, da’yarta faraha badan ee badaha ku le’anaya, ama saxaraha lagu waayayo, iyo kuwa magafe u gacangelaya, kuwa wax haysta ee dalka ka guuraya, waxay ka baxsanayaan ma aha amni xumo, ee waa rejo la’aan iyo mustaqbalxumo.

Qaran Isgoys Taagan

Akhlaaqda dawladeed ee hoggaanka, ee xaga sare ka burburtay waxay raadayn ku yeelatay fahanka, habdhaqanka iyo anshaxa horweynta siyaasadeed. Dawladnimadii waxa loo arkay in ay tahay shirkad la maalgashado si faa’ido shakhsi looga helo, halbeeggii hoggaanka dalka lagu xulanayey wuxuu noqday, yaad ushaada u dhiibataa oo aad berri ka qaadan kartaa? halka dhismaha iyo dibu-habaynta hay’adaha dawlada ay noqdeen ballanqaadyo lagu kasbado xubnaha ololaha doorashada.

Haddii ay dawladnimadii shirkad noqotay, siyaasaddiina ganacsi, maxaa diidaya in dalku noqdo saylad, dadkuna uu galo boosaska saamiga ee la kala iibsado?

Dalka waxa samatabixin kara feker iyo fahan ka duwan kuwa maanta talada haya. Feker dawladeed oo ku dhisan xaqsoor lagu sugayo caddaalad, lagu ilaalinayo xuquuq, laguna soo celinayo karaamada iyo gobbonimada ummadeed, oo loogu adeegayo bulshada.

Qaran lacagi ma maamusho ee damiir baa haga. Kolka cirweynidu taliso, caddaaladdu xabaasheeda ayey qodataa, sidaas ayuuna qaranku ku dumaa. Soomaaliya u ma baahna dad macaashdoon ah, ee waxay u oomman tahay dad dawladeed oo dalku la weyn yahay, oo wax hura, oo wax ay faa’iidayaan aan sugin .

Waxa hubaal ah, haddii hurweynta dalku aanay dadka u soo degin, duruufahooda ka jawaabin, in ay dhici doonto in dadku halkooda ugu tago, oo aqallada ugu daato. Maalintaas derbi ku celiyana, ama shisheeye ku difaacaya midna ma jiri doono. Waxa is mudan doona hurweyn dhiigmiirad ah, iyo shacab quus taagan oo dareemaya in la khiyaamay.

WAXAA QOREY: C/RAXMAAN C/SHUKUUR WARSAME

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -