sul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare  ee Gobollada Woqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Waxaa sidoo kale kulankaas ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Ra’iisul ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in toddobaadka soo socda la bilaabi doono doorashada xubnaha  Golaha Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay xallinta khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland, isagoo u ballan qaaday in ay ku garab taagan yihiin hoggaamintiisa howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in uu gacan ku siin doono dhinacyada Somaliland in ay doorashada xildhibaannada u qabsadaan si xor ah oo ay isla oggol yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here