Ra iisal wasaare Kheyre oo si diiran loogu soo dhaweeyey Caasimada Dalka Kenya

0
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo dhawaan dibadda dalka ka billaabay dardar gelinta ololaha uu ugu jiro qabashada xilka madaxtinimada dalka ayaa caawa Saqdii dhaxe ka degay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
 
Kheyre waxaa garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Nairobi ,kuwaa oo saf dheer u galay soo dhaweyntiisa kuna faraxsanaa.
 
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo kasoo duulay Dalka Jabuuti oo muda shan maalin ah uu ku sugnaa, ayaa la filayaa inuu magaalada Nairobi inta uu joogo la kulmo madaxda sare ee dalka Kenya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
 
Xasan Cali Khayre ayaa intii uu Jabuuti ku sugnaa waxuu kulan la qaatay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka.
 
Magaalada Nairobi waxaa xiligan ku sugan qaar kamid ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland oo xiriir dhaw la leh Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Kheyre.
 
Jabuuti iyo Kenya ayaana la filayaa in ay soo dhaweeyaan Musharaxnimada Kheyre ay u arkaan hogaamiye hoolkar , waxa ayna labadan dowladood khilaaf kala dhaxeeyaa Madaxweyne Farmaajo iyaga oona dadaal ku bixinaya sidii uusan usoo laaban laheyn.  
Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here