R-wasaaraha Xukuumada xilgaarsiinta ayaa lafilayaa inuu barito ka cudur daaro weerarkii ay ciidamada dawlada ku qaadeen 19 feb. Madaxweynayaashii hore iyo dibadbaxii nabadeed ee isla maalintaas lagu xabadeeyay Musharixiinta uu hogaaminayay R-wasaarihii hore Xasan cali khayre.
Arintan ayaa ka danbeysay kadib marki uu goordhaw aqbalay Rw Rooble inuu fuliyo shuruudaha Musharixiinta si uu barito ula kulmo.

qaar kamid ah gudiga dhex dhexaadinta labada dhinac ayaa goor dhaw shegay inuu kulanka ka dhici doono
Hotelka Decale ee ku yaala garoonka diyaaradaha.

waxaa lafilayaa in sidoo kale uu rooble la soo shir tagi doono in banaanbaxyada lajoojiyo oo kulamada doorashada looga hadli doono loo ogolaado inay kaqayb galaan Midawga musharixii ta.

Midawga musharixiinta ayaa iyagana og in R-wasaruhu aanu go’aamada qaar kaligii gaari karin sidaa daraadeed waxay doonayaan in Dibadbaxyadooda ay sii wataan dawladuna ay carqalada kadayso ilaa uu Madaxweyna waqtigiisu dhamaaday Farmaajo ogolaado inay dalka kadhacdo doorasho xalaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here