Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar bishii Feb-18-2019.

Dorraad ayuu bilaawday dhismaha wadadaan oo lacagtii loogu talagalay ku jirtay gacanta dowladda.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladda iyo maamulka HirShabeelle ayaa sheegay in dib u dhaca dhismaha ay iska kaashadeen madax ka tirsan Xukuumadii xiligaas iyo madaxtooyada HirShabeelle, si libinta ama guusha mashruucaas looga ilaaliyo Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare shaqsiyaad uu aaminay islamarkaana gacanta uu u geliyay saxiixiisa iyo awoodiisa ayaa ku ahaa caqabada ugu weyn ee heysata, lama oga in ay ka aheyd faham darro iyo in uu ku raadinayay xal iyo badbaado maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here