Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan xubnaha, saraakiisha iyo qoysaska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaana ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 62aad ee kasoo wareegtay maalintii la aas-aasay ciidanka Xoogga Dalka.

Mudadii aan xilka u hayay shacabka Soomaaliyeed waxaan awoodda iyo waqtiga ugu badan geliyay dhisidda, tayeynta, tirakoobka iyo tacliin-siinta ciidanka xoogga Soomaaliyeed. Waxaana ku guulaysannay in aan bilow aas-aasi ah u sameyno hannaan dib loogu soo celinayo heybadii ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Aniga oo ogaa muhiimadda ay leedahay in ciidanku ay helaan mushaar joogto ah oo ku filan, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran, ayna ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed, ayaan yagleelnay hannaanka mushaar-bixinta ciidanka ee maanta suurtageliyay in askari walba ay dhamaadka bil walba si toos ah ugu soo dhacdo mushaarkiisa iyo gunnadiisa.

Waxaan halkan fariin uga dirayaa dhammaan saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed, waxaana hambalyada ka sokow kula talinayaa ineysan cudud u noqon qorsheyaal lagu caburinayo shacabka bixiya canshuurta lagu bixiyo mushaarka ciidanka. Waxaana kula talinayaa inay ka dheeraadaan ku dhex milanka siyaasadda iyo wax kasta oo dhaawici kara kalsoonida ay shacabku ku qabaan ciidankeenna sharafta xambaarsan


#HiigsiIyoHorumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here