Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun, Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun

Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Professor Maxamed Cabdi Gaandi, wasiirkii hore ee wasaarada difaaca ee dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta ku geeriyooday dalka Faransiiska.

Allah ha u naxariistee Professor Maxamed Cabdi Gaandi oo xubin muhiim ah ka ahaa midowga musharrixiinta xilka madaxweyne ee dalkeenna, ayaa kamid ahaa aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee waayo-araga iyo rug cadaaga ah. Waxaa lagu xusuusan doonaa dowrkii weynaa ee uu ka qaatay dhismaha ciidanka Soomaaliyeed, xiligii uu ahaa Wasiirka difaaca dalka

Marka la tago Siyaasadda, Dr. Gaandi waxuu ahaa taariikhyahan iyo cilmi baare lagu xusuusan doono dowrkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay uruurinta iyo darsida hiddaha, taariikhda iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here