Waxaan Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xooga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga tacsiyaynaa dadka shacabka ahaa, saraakiisha iyo ciidamada ku geeriyooday qaraxyada iyo weerarada naf-lacaariga ahaa ee kooxda Khawaarijtu ay la eegteen fariisimaha ciidamada iyo Masaajidda.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoysaska ay ka bexeen dadka shacabka ahaa, askarta xaq u dirirka aheyd iyo saraakiisha ay kamidka ahaayeen Dhamme Jamaal Ahmed Jamac iyo Korneel Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey) ee ku geeriyooday weeraradii bahalnimada ahaa ee ka kala dhacay Buuloburte, Jallaqsi, Halgan iyo deegaanka Xawaadley ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle. Waxaan Alle ka baryayaa inuu u naxariisto inta dhimatay, inta dhaawaca ahna uu siiyo caafimaad iyo soo kabasho deg-deg ah.

Waxaan bogaadinaya Halganka Shacabka iyo CXDS ee deegaanadda wali gacantooda ku jira looga xoreynayo dhiig cabyada khawaarijta ah ee ummadda iyo Dalkaba naafeeyay. Waxaanna markale shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in loo midoobo cirib tirka kooxda Khawaarijta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here