Agaasimiihii hore ee Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo la taliyihii Farmajo Fahad yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu ugu magac daray Raali-gelin Siyaasadeed waxayna u qoran tahay sidan:-
𝙍𝘼𝘼𝙇𝙄 𝙂𝘼𝙇𝙄𝙉 𝙎𝙄𝙔𝘼𝘼𝙎𝘼𝘿𝙀𝙀𝘿
Waa nasiib darro inaad u hiiliso hoggaamiye aan ajande qaran lahayn. Qoraalka hoose maalintaan soo qoray waxaan ilaalinayey karaamada Aqalka dalka looga arrimiyo.
Shalay wuxuu diiday inuu madaxda Soomaalida ugu tago Xalane, maantana Safiirro ayaa ugu yeeray Xalane si ay ugu khasbaan inuu la kulmo siyaasiyiin Soomaali ah.
Haddaan ogaan lahaa in Madaxweyne Xasan uu fariisanayo gogol ay shisheeye gar wadeen ka yihiin isagoo u muuqda ruux matalaya mid kamid ah kooxaha dalka ka jira, ma aanan qoreen hadalka hoos ku qoran.
Hoggaamiye aan qab lahayan ruuxii damca inuu u difaaco wuxuu ku danbeeyaa inuu raali galin ka bixiyo. Marka hala iga raalli ahaado in aan Xasan Sheekh u maleeyey Madaxweyne xurma u haya xilka iyo xafiiska loo dhaariyey. Waase natiijo dabiici ah marka hoggaamiyaha uu danta guud u tanaasuli waayo.
Dhanka kale qoraalka bishii Febraayo uu raali gelinta ka bixinayo ayaa sidan u qorneyd:-
𝗚𝗔𝗥𝗡𝗔𝗤 𝗦𝗜𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗
Mucaaradka iyaga oo wada dhan haddii ay yimaadeen caasimaddii dalka oo aqbaleen gogoshii wada hadalka, waxaa Madaxweynaha xaq loogu leeyahay inuusan shirkaas fashilmin oo is afgarad iyo guul ku dhamaado.
Madaxweynaha hadduu aqbalay codsigii mucaaradka oo uu gogoshii fidiyey, muddo xileedkiisii sharciga ahaana uu wali ku dhex jiro, waxaa mucaaradka xaq loogu leeyahay in shirka uu ka dhaco guriga qaranka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya.
Haddii mucaaradku diidaan inay Villada tagaan, barito kolka ay madax noqdaan sow kama baqayaan inkaarta haddeer Haybadle Xasan Sheekh kiis walba kaga dhacday inay iyagana qabsato hadhaw!
Haddii Madaxweynuhu shirkaan uusan is faham abuurin sow si sahlan looma oran karayo Madaxweyne Xasan muddo xileekiisii hore buu ka wanagsanaa muddo xileedkiisa labaad? Sow qarka uma joogsanayo inuu dalka gacantiisa ku kala irdheeyo intii yarad ee isku soo hartay ee Xamar ugu yimid iyagoo xal raadis ah?
