=XIGASHO BBC SOMALI=
Nimankii toogashada geystay oo la sheegay inay xiriir la lahaayeen koox Islaami ah
Labadii nin ee hubaysnaa ee ku lug lahaa toogashadii shalay ayaa warbaahinta maxalliga ah ku sheegtay magacyadooda inay kala yihiin Sajid Akram oo 50 jir ah, oo ku dhintay isla goobta, iyo wiilkiisa Naveed Akram oo 24 jir ah – kaasoo weli ku jira isbitaal isla markaana ay xaaladdiisu halis tahay.
Waxa ilaa hadal aga aqaanno ragga weerarka geystay
- Sajid Akram waxa uu Australia ku yimid fiisaha ardayga 1998-dii, taas oo loo wareejiyay 2001-dii fiisaha lamaanaha ka dibna fiisaha degenaanshaha ayaa la siiyay.
- Waxaa uu haystay ruqsadda hubka ee uu adeegsaday
- Warbaahinta Australia ee ABC ayaa ku warantay in Naveed Akram, oo ah muwaadin ku dhashay Australia, la baaray xiriirka dhow ee uu la leeyahay koox argagixiso oo ka tirsan Daacish oo fadhigeedu yahay magaalada Sydney ee dalka Australia.
- ABC ayaa sidoo kale warisay in booliska la dagaallanka argagixisada ay aaminsan yihiin in ragga hubaysanaa ay ballan qaadeen inay daacad u ahaan doonaan kooxda argagixisada ah ee Daacish.
- Boolisku waxay aaminsan yihiin in ragga hubaysanaa ay u diyaargaroobeen weerarka
- Saraakiishu waxay xalay weerareen guriga qoyska ee ragga hubaysnaa.  =XIGASHO BBC SOMALI=
