Raii’iisal-wasaarihii Ingiriiska Winston Churchil Dagaalkii 2-aad ee Aduunka Wuu Ku Adkaaday Balse Laakiin Doorashadii Dagaalka Kadib Wuu Ku Dhacay .

76-sanno ayaa laga joogaa guuldaradii Xisbiga Conservative Part ee uu hogaamin jiray Winston Churchil kasoo gaadhay doorashooyinkii ka dhacay Britain iyadii uu doorashada ku.adkaaday xisbiga shaqaalaha ee Labour Part , doorashada oo dhacday dhamaadka dagaalkii 2-aad ee Aduunka ee guushu ku raacday Xulafada Britain ,France ,Midowgii Soviet Union iyo Maraykanka .

Markii dagaalkii dhamaaday ee uu Ra”iisAl-wasaare Churchil uu ku fakarayo in dib loo doorto isaga iyo Xisbigiisa Conservative Part ,shacabka Britain waxay yidhaahdeen waxaad ku guulaystay dagaalkii balse waxaan rabnaa hogaamiye dalka dib udhisa oo badhaadhe iyo Barwaaqo na gaadhsiiya ee uma baahnin Hogaamiye dagaal .

Mujaahid Maxamed Kaahin Somaliland wuu usoo dagaalamay balse Somaliland uma baaahna xilligan hogaamiye danbe oo SNM ah ee waxay ubaahan tahay Hogaamiyayaal rayid ah oo Digital ah dalka iyo dadkana horumar gaadhsiiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here