Muqdisho – Sanadkan 2023 waa sanad wax badan ka shabaha sanadkii 2013 ee ay ka soo wareegtay muddo 10 sanno ah. Waxaa haatan in aan sanadka 2013 dib milicsado sabab u ah wax yaabo maanta dhacaya oo si weyn ugu humaag eg kuwo aan goobjoog u soo aheyn xilligaas.

Advertisement

Waxyaabaha labadan sanadood ay ka siman yihiin ee la xusi karo waxaa ka mid ah qodobadan soo socda, in kastoo aysan kuwan kaliya aheyn:

1)- 2013 iyo 2023 waxaa dalka Madaxweyne ka ahaa Md. Xasan Sheekh Maxamuud.

2)- Madaxweynaha muddo xileedkiisii sanadkii 1-aad ayey ku soo beegmeen 2013 iyo 2023.

3)- Dowladda uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ay wajaheysaa 2023 doodo la xiriira Musuq-Maasuq, kuwaas oo abuuray jahwareer.

4)- Sanadkii 2013 dowladdii xilligaas waxay xilligan oo kale wajaheysay doodo ku saabsan musuq, kuwaas oo keenay in ay dowladda ku qasbanaato in ay tallaabooyin isbedel ah qaaddo.

5)- 2013 waxaa xilkeedii ka tagtay Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Marwo Yusra Abraar, taas oo masuuliyiin dowladda ka tirsanaa xilligaas ku eedeysay in ay ku qasbayeen in ay musuq kala shaqeyso, waxayna is casilaaddedii soo dirtay iyada oo dalka safar kaga maqan.

6)- 2023 doodaha musuqa iyo falcelinadii ka dhashay waxaa xilalkoodii ku waayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimihii Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha oo is casilaaddiisii soo diray isaga oo dalka ka qaman, balse eedeysane lagu tilmaamay, Agaasimihii Canshuraha berriga oo baxsad lagu sheegay iyo wasiirkii Maaliyadda oo xilka laga qaaday xilli uu isaga xilka ka qaadi waayey xisaaiyaha guud.

Waxaa intaas dheeraa in Baarlamaankii xilligaas 2013 jiray uu gadood daran ku hayey dowladii xilligaas, halkan baarlamaankan oo midkii xilligaas aad uga tayo hooseeya ay ka muuqato in badi xubnihiisa ay gadoodsan yihiin, kana soo horjeedaan sida ay dowladda wax u waddo.

Arrimaha u baahan in isha lagu wayo waxaa ay yihiin, xilligii 2013 markii ay xaaladdu qaraaraatay, lataliyeyaashii madaxtooyada waxay Madaxweynaha ku qanciyeen in xilka laga qaado Ra’iisal wasaarihii xilligaas Md. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ahaa shaqsi xilligaas aysan wax khilaaf ah kala dhexeyn Madaxweynaha.
Lataliyeyaashii Madaxweynaha ayaa u arkay in aan la hureyn isbedel weyn in la sameeyo, si xaaladdii jirtay iyo eedihii ay jeedisay Guddoomiye Yusra Abraar loogu helo hab looga saan tirto.

Saacid Shirdoon oo ahaa siyaasi aad u deggan, odeytinimo iyo siyaasad dabacsanna ku shaqeynayey ayaa markii loo soo jeediyey inuu xilka isaga dego diiday, wuxuuna door biday inuu Baarlamaanka hor tago si codka kalsoonida loogu qaado.
Saacid waxaa uu tirsanayey in Baarlamaankii uu Guddoomiye Jawaari hoggaaminayey lagu dulmiyey, waayo waxaa loo diiday inuu hor tago si uu isu difaaco, hase yeeshee dagaal siyaasadeed qaraar oo qaatay 3 bilood ayuu la galay Madaxtooyadii xilka ka tuureysay, wuxuuna dagaalkaas oo socday intii u dhexeysay Oktoobar 2013 illaa Diseembar 2013.

Hardan dheer kaddib wuxuu baarlamaankii kalsoonida kala laabtay Saacid Shirdoon maalin Isniin ah 2-dii Diseenbar 2013.

Ugu danbeyn, in kastoo Saacid Shirdoon xilka laga tuuray dowladda waxaa uu gaarsiiyey dhaawacyo waaweyn oo keenay in ay si daran u dhiig baxdo, wuxuuna xafiiska wareejiyey xilli labadii dhinac ee siyaasadda ku dagaashay midkoodna uusan mahadineyn dagaalkii uu galay.
Haatan oo uu Ra’iisal Wasaare dalka ka yahay Md. Xamse Cabdi Barre, lagula tilmaamo Madaxweyne Xasan Saaxiibkiisa ay isku dhow yihiin, haddana xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah ayaa ah in siyaasaddu aysan laheyn saaxiibtinimo joogto, balse ay leedahay dan joogto ah.
Haddii xaaladaha haatan taagan ay ku qasabaan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka fekero isbedel, waxaa hubaal ah in aysan is huri doonin isaga iyo Ra’iisal Wasaare Xamse, waayo xaaladaha cakiran ee haatan taagan waxay u baahan yihiin cid Madaxweynaha la xallisa, haddii la waayana waxaan la hureyn isbedel guud oo kala irdheeya saaxiibadda haatan ee siyaasadda.

Marka la eego xanta taalla goobaha siyaasadda lagu shaaheeyo, Ra’iisal Wasaare Xamse waxaa lagu tilmaamaa shaqsi aan laheyn ilko badan oo siyaasadeed, iyada oo ay taasi u dheer tahay in xafiiskiisa mar hore la miciyo tiray, lagana ilaaliyey inuu maamulo wax dhaqaale ah, sidoo kalena awoodaha dhanka fulinta ee xafiiskiisa hoos yaalla ayaa horeyba loo koobay, taasi oo sahli karto in si sahlan xilka loo qaado haddii ay sidaas go’aansadaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jilbo Culusta la talisa.
TALLAABOOYINKII U DANBEEYEY
Tallaabooyinkii ugu danbeeyey ee siyaasadeed ma aheyn kuwo iftiin qurux badan u shidaya mustaqbalka siyaasadeed ee ra’iisal wasaaraha. Haddii si gaar ah loo eego buuqii ka dhacay Baarlamaanka ee keenay in Guddoomiye Sheekh Aadan uu xakameyn waayo kulankii Baarlamaanka ee Sabti qabsoomay, isla markaasna isla kulankaas lagu bahdilay Madaxweynaha Saaxiibkiis, ahna Wasiirkiisa Amniga, kaas oo isaga oo fadhiya laga dhageysan waayey wixii uu la soo shir tagay waxaa ka muuqaneysa in Baarlamaanka uusan xiriir adag la laheyn Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha midna.
Dhanka kale Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa gacantiisa ku diray Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ahaa shaqsiyaadka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu kalsoonida badnaa, kana mid ah xisbigiisa PDP, welibana ahaa wasiirkii maaliyadda, taasi waxaa ay muujineysaa in Ra’iisal Wasaare Xamsena uusan heysan damaanad saaxiibtinimo oo uu Meesha ku sii joogo haddii aysan xaaladda qurxoonaan.
In kastoo ay soo baxayaan wararka sheegaya in Ra’iisal wasaaraha laga ilaaliyey maamulidda dhaqaale uu jeebkiisa ka baxnaaniyo, haddana haddii ay xaaladda adkaato beesha uu ka dhashay ee dhanka ganacsiga iyo dhaqaalaha Soomaalida ugu tunka weyn dalalka Kenya iyo Itoobiya waxay isku dayi doontaa in ay dhaqaale ku garab istaagto.
Haatan, waxaa muuqdaan ifafaalayaal billow ah oo la barbar dhigi karo xaaladihii 2013kii, kuwaas oo durba kugu soo ridaya in la filan karo dagaal siyaasadeed ka dhex qarxa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, waxayse is weydiintu tahay Ra’iisal Wasaare Xamse ma gaari doonaa 2-da Diseenbar 2023, xilligaas oo ku beegan 10 sano kaddib maalintii Baarlamaanka uu xilkii ka qaaday Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon?
Jawaabtu waxaan ka sugeynaa waqtiga, anaga oo isha ku heyn doonna waxa dhacaya inta ka horreysa maalintaas aan kor ku xusay?

Wixii dhaliil ah ku soo hagaaji

Qalinka Abukar Albadri

abukar.albadri@gmail.com

Previous articleFadeexado xoog leh ayaa kasoo baxaya Wasaarada Maaliyada oo ay galayaan xubnaha idman ee Madaxweyne Xassan Sheekh
Next articleXildhibaanada Puntland ku metala BF Soomaaliya oo ku dhawaaqay go’aan culus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here