Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo kormeerey Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som, ayaa la dardaarmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Gorgor oo uu halkaas tababar uga soconayey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kuliyadda Turki-Som ay soo saartay Saraakiil iyo Ciidan dalka ka sameeyey isbeddel amni, isla markaana soo celiyey kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen Ciidanka Qalabka-Sida, taas oo horseeday in guulo wax ku ool ah laga gaaro dagaalka dalka looga saarayo dalka  Alshabaab .

Advertisement

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed , ayaa xusay in ay hubka u sitaan ilaalinta difaaca dalka, diinta iyo dadka, sidaas darteedna laga rabo in ay ka fogaan wax walba oo xumeynaya sumcaddooda.

Guutada Gorgor ee ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay yihiin qeyb muhiim ah oo door wanaagsan ka ciyaaray xoreynta qeybo kamid ah gobollada dalka, haddana la filayo in ay ka saaraan Alshabaab goobaha ay ku dhuumaaleeysanayaan.

Intii uu socday kormeerka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ciidanku ay soo bandhigay dhoolatus la xiriira tababarka iyo duruusta ay ku qaataan kuliyadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiya kaalinta ay ka qaadaneyso dhismaha ciidanka Qaranka, gaar ahaan Kulliyadda Turki-Som oo soo saarta saraakiil iyo ciidan wax weyn ku soo kordhiyay difaaca Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here