Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Dara Salaam kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isu socodka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa isla gartay ahmiyadda uu leeyahay dagaalka lagula jiro  Alshabaab , oo khatar ku ah guud ahaan amniga gobolka iyo dib u furista xuduudaha oo muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dal.

Advertisement

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa kala hadlay Madaxweyne Ruto fududeynta Dal-ku galka (visa) arrintaasi oo looga ballamay in lagu dhameystiro kulamo loo ballansan yahay labada dhinac.

Iyadoo laga duulaayo tayeynta iyo awood siinta da’yarta iyo kor u qaadida waxbarashada, ayaa Madaxweyne Ruto waxa uu ka aqbalay Ra’iisul Wasaaraha in dowladda Kenya ay Soomaaliya U tababarto 1000 kun macallin oo wax ka dhigi doona heerarka kala duwan ee waxbarashada Soomaaliya.

Dhinaca kale ‘Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalay Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan Waxa uu kala wada hadlay xoojinta xiriirka qotoda dheer  iyo iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dal.

Previous articleReal Madrid oo 2-0 kaga badisay Manchester United iyo falcelintii ka dib goolasha Bellingham iyo Joselu iyo dhaawac Mainoo
Next articleDowladda Ruushka oo deyntii ugu badneyd kacafisay Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here