Senator Anwarul Xaq Kakar oo ka tirsan xisbiga Balochistan Party (BAP) ayaa waxaa loo doortay Ra’isul-wasaaraha KMG ee dalkaasi Pakistan

Waxa xilka Sii-haye RW loogu doortay si uu dalka u sii hoggaamiyo inta laga soo dooranayo Xukuumad Cusub.

Advertisement

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ayaa lagu sheegay in Magacaabista Ra’isul Wasaaraha KMG lagu dhawaaqay, kadib,  Kulan ay RW xilka ka degayo, Shebhaz Shariif iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Barlamaanka dalkaasi, Raja Rais maanta ku yeesheen Caasimadda dalkaasi ee Islamabad.

Dhanka kale, Madaxweyne Arif Alvi waxa uu ansixiyey Magacaabista Ra’isul-wasaaraha KMG,  Anwarul Xaq Kakar, Kadib, markii lagula taliyey arrintaasi.

Ra’isul-wasaaraha KMG ee dalkaasi waxa uu Xilka si Rasmi ah ula wareegi doonaa bishan August 14-da.

Previous articleMW Deni: “Ciidankii la rabay in ay xakameeyaan muqaadaraadka ayaa ku laban Dadka isticmaala”.
Next articleXiisado colaadeed oo saakay ka taagan bariga magaalada Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here