Kismaayo, Nofeembar 26, 2023: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxwene ku-xigeennada, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubbaland.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland ayaa la xiriira u kuurgelidda xaaladaha binu aaddantinimo ee ka dhalatay daadadka El-nino oo saameyn xooggan ku yeeshay deegaannadan, dardar-gelinta howl-galka wajiga 2aad ee ciribtirka Khawaarijta, xarig jarka iyo dhagax-dhigga mashaariic horumarineed iyo xoojinta wada-shaqeynta hey’adaha Federaal iyo kuwa dowlad-goboleed Jubbaland.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey Dowlad goboleedka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhaweynta diirran ee lagu qaabilay.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
media@opm.gov.so
Muqdisho, Soomaaliya
May be an image of 5 people, aircraft and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of 4 people, headscarf and text that says "L. AIRPORT"May be an image of 8 people and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of one or more people, dais, crowd and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of one or more people, crowd and daisMay be an image of 12 people and suitMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of 2 people and textMay be an image of 6 people and dais
Previous articleKu dhawaad Kun Mobile oo lagu dhacay Nairobi
Next articleZotrim: Appetite Suppressant & Herbal Weight Loss Aid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here