Muqdisho (dayniiile.com)-Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay dagaalka wali ka dhes socda Xamaas iyo Israa’iil xili shacabka reer Falastiin duqeymo arxan daro ah lagu gumaadayo.

Ra’iisuwasaare Xamze wuxuu soo jeediyay in garab buuxa la siiyo shacabka Falastiin iyo Ururka Xamaas ee xaq u dirirka ah

Advertisement

”Xamaas Argagixiso maahan waa urur dalkiisa xoreysanaya waana inaan si buuxda ugarab istaagno”.ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamaas

Mar uu soo hadal qaaday Masaajidka barakeysan ee Al-aqsaa ayuu xusay in la joogo ayna ku haboon tahay xiligii masaajidkaas la xoreyn lahaa.

“aaway Caalamkii,aaway kuwii xuquuqda aadanaha u dagaalami jiray,away kuwii caruurta iyo haweenka u dagaalami jirey xageey aadeen”ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamze Cabdi Barre

“Inagoo og in maalin kasta ay qarax iyo dhibaato nagu hayaan khawaarijta haddana waxaa waajib nagu ah inaanan hilmaamin walaalaheen reer Falstiin”ayuu Mar kale yiri Xamze

Ra’iisulwasaaraha wuxuu xusay in reer Galbeedku raali ka yihiin kuna faraxsan yihiin in hubkii dunida ugu weynaa marka nuyuklerka laga reebo in lagu baaba’sho shacabka reer Falastiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleMagacyada Deegaanadii lagu diriray ee hoos taga Degmada Caddalle  iyo Ciidamada la kala dhex dhigay oo isku fidiyay+SAWIRRO
Next articleNokia G60 5G 64GB Mobile Phone

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here