Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeybgalaya munaasabadda dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhaartooda ay ka dhaceyso Teendhada Afasiyooni.

Munaasabadda lagu dhaarinayo Xildhabannada labada Aqal ayaa waxaa Goobjoog ka ah qaar ka mid ah midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kale goobta ku sugan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dhanka kale Munaasabadda waxaa goobjoog ka ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Cumar Filish iyo marti sharaf kale.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal jadwal uu horay u soo saaray ku sheegay in 14 April ay dhaceysi dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka  Sare.

In ka badan 70 mudane oo ka tirsan mudanayaasha laga soo doorto Dowlad Koonfur Galbeed kuwaas oo ku matala BFS ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga mid noqdaan Xildhibaannada la dhaarinaaya.

Xildhibaannadaan ayaa ku maqnaa khilaaf u dhaxeeyay Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, kaas oo salka ku hayay kuraas uu guddiga hakiyay, ugu dambeyn qaar ka mid ah uu fasaxay natiijadooda guddiga.

Xildhibaannadaan ayaa lagu wadaa in maanta la dhaariyo si ay u doortaan Shirguddoonka labada Aqal, waxa la filayaa in ay iska dhax doortaan Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here