Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo wajahaya Maxkamad kadib markii Professor Abdiwahab uu ku dhawaaaqay in cadeymihiisa ay usoo dhameystirmeen.
Professor Abdiwahab oo kamid ahaa taageerayaasha N&N ayaa bishii September ee sanadka 2021 lagu afduubtay magaalada Nairobi ayaa Caawa sheegay in uu R/wasaare Rooble dacween doono.
“Waxaa Afduubkeeyga ka dambeeya oo malaayiin dollar ku bixiyay Ra’iisul wasaare Rooble. Waxaan dhoornar u diray ergo inuu ila fariisto oo ii cadeeyo inuu isaga ka dambeeyaya Afduubkeeyga lakin waa uu diiday inuu ila fariisto
“Hada cadeeymaheeyga wey soo dhameystirmeen. Waxaan diyaar u ahay inaan maxkamada aduunka, mida Sweden iyo maxkamadaha Muqdisho dhamaan inaan ka dacweeyo” ayuu yiri Prof. Abdiwahab.