Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay barnaamijka Caddaaladda iyo Asluubta, si loo horumariyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad iyo Garsoor Madax-bannaan oo qayb ka ah qorshaha Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo tilmaamay muhiimadda ay shacabka Soomaaliyeed u leedahay inay helaan Caddaalad hufan oo la isku halayn karo iyo garsoor madax bannaan ayaa sheegay in barnaamijkani wax wayn ka tari doono ballaadhinta adeegga caddaalada ee dalka oo dhan.

Advertisement

Mudane Saalax ayaa uga mahad celiyay saaxiibbada caalamiga ah garab-istaaggooda ku aaddan in ay ka caawiyaan Hay’adaha Dawladda ka midha-dhalinta qorshaha Xukuumadda ee helitaanka caddaalad la isku hallayn karo iyo garsoor madax bannaan oo dalka oo dhan la gaarsiiyo. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo qaar ka mid ah XIldhibaannada BFS.

Previous articleGudoomiyaha gobolka Banaadir oo ku baaqay in laga qayb qaato Dhismaha Wadooyinka bur bursan
Next articleKooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in ay daafaceeda ka tagi doonto xilli ciyaareed amaah ah oo La Liga ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here