Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Qaran ee Howlgallada Gurmadka Deg-degga ah ee Hay’adda Maareynta Mosiibooyinka SoDMA, waxaana xaruntaan ku soodhaweeyey Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa warbixinnadii ugu danbeeyay ka dhageeystay agaasinka Xarunta NEOC, saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoog leh oo ka da’ay gobollada dalka oo marba markii ka danbeeysa sii siyaadeeyso saameeynta uu yeelanayo xaaladda roobab da’ay.

Advertisement

Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay xarunta gurmadka degdegga ah ayaa si gaar ahaaneed ugu baaqay ganacsatada leh diyaaradaha oo maanta baahi weyn loo qabo doorkooda, maadaama gaadiidka cirka uu yahay sida kaliya ee gurmad lagu gaarsiin karo dadka tabaaleysan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa sheegay in ay diyariyeen doonyo lagu soo daad gureenaayo dadka go’doonsan berina Muqdisho laga qadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here