Ra’iisul Wasaaraha Xukuuamdda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mustafa Madbuuli  iyo wafdi hoggaaminayo oo Goor dhow soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada Xilgaarsiinta ayaa Garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli  oo ka mid ah madaxda caalamka ee ka qeyb galeysa caleemo-saarka Madaxweynaha JFS Xasan Sheikh Maxamuud.

Wuxuu Ra’iisul Wasaaraha dowladda Masaru u Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay soo dhaweynta uu u sameeyay, isagoona intaas kadib loo galbiyey Hotel loogu tala-galay inay degaan Madaxda sare ee ka qeyb galeysa Munaasabadda Caleemo-saarka.

Saacado kadib ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti iyo Kenya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madax kala duwan, kuwaasi oo ka qeyb galaya Munaasabadda Caleema-saaka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here