Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) & Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ay ku ballameen in todobaadka soo socda ay bilaabeen doorashada Golaha Shacabka.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ka dalbaday in ay dedejiyaan Xaashi & Guuleed 46-ka Xildhibaan ee Gobollada Waqooyi ku metalaya Aqalka Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Sida aan ku heshiinay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka & kooxdiisa Somaliland waa in todobaadka soo socda ay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi, waxa aan alle ka baryaa habeen kasta in howshaan naga soo dhammaato iyada oo aanay cidna is dilin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Dowlad-Goboleedyada & Banaadiriga ugu baaqay in dhankooda ay lasoo degdegaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS si guddoon & Madaxweyne ay usii doortaan.

“Waxa aan xoojinayaa in baaqa ah in sida ugu dhaqsiyaha badan in loosoo gaba-gabeeyo Doorashada Golaha Shacabka, waxa aan diyaar u ahay in aan qabano Doorasho si Dowladda cusub aan ugu wareejiyo mas’uuliyadda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay RW Maxamed Rooble.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhankiisa ballanqaaday in doorasho xor & xalaal ah ay qabanayaan, waxa uu ku faanay in Doorashadii Senatarada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi mid lamid ah ay qaban doonaan.

“Waxa aan soo wadnaa 46-Xildhibaan oo u dhigma 11-ka Senator loona doorto si xor & xalaal ah oo tartan furan loo galo ayaan damaanad qaadeynaa, Soomaali waxa ay ku kala nabadgaleysaa Doorasho in ay ku kala baxdo, Bisha December waa in aan kasoo dhammaanaa Golaha Shacabka BFS” Sidaasi waxaa yiri Mahdi Guuleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here