Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay kulan loogu ducaynayey dadkii lagu Xasuuqay 14 Oktoobar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka qayb galay kulan duco ah oo lagu xusayay Shuhadadii ku shahiiday weerarkii arxandarada ee ay argagixisadu la beegsadeen shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa Zoobe, ayaa culimada ugu baaqay in bulashada ay ku hagaan sidii loo dabar jari lahaa fikirka xagjirka.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska 14 oktoobar ayaa sheegay in qoys walba oo Soomaaliyeed ay gaartay dhibaatada ka dhalatay falkaas murugada leh ee ay ku shahiideen boqollaal muwaadiniin ah oo u taagnaa dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

“Culimada Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan bulshada, sidaas awgeed waxaan ka codsanayaa inay xoojiyaan dadaalkooda ay kaga wacyigeliyaan halista fikirka argagixisada, si ubadkeenna wax ka barta madaarista quraanka loogu barbaariyo qiyamka udub-dhexaadka u ah diinteenna iyo in bulshada Soomaaliyeed u iftiimiyaan sida argagaxisadu ay sawirka xun uga bixinayso diinta” .

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso tayeynta ciidanka, si ay uga ciribtiraan guud ahaan dalka kooxaha argagixisad ah ee u taagan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here