HomeWarkiiRa’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre muxuu ku soo arkay xarunta Warshadaha Tamarta...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre muxuu ku soo arkay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada Dalka Shiinaha+SAWIRRO

Arbaco, 27 Agoosto 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui, kaas oo ah aag horumarineed oo muhiim ah, iyo mid ka mid ah xarumaha hormuudka u ah Shiinaha ee isbeddelka warshadaha iyo tamarta.

Booqashada ayaa ujeedkeedu ahaa in Soomaaliya ay ka sii faa’iideysato khibradda Ningxia ee ku saabsan sida ay u abuureen warshado kala-duwan oo tamarta dhaliya, horumarinta warshadaha, iyo u guurista tamarta nadiifta ah, iyadoo Soomaaliya ay sii waddo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay gobolka Ningxia in uu yahay tusaale wax ku ool ah oo ka tarjumaya sida horumarka warshadaha iyo tamarta loogu adeegsan karo siyaasad cad oo waara.

Wuxuu xusay in casharrada iyo khibradaha laga dhaxli karo Ningxia ay Soomaaliya u furayaan waddooyin iskaashi oo muhiim ah, kuwaas oo lagu gaari karo horumar muuqda oo dhinacyada tamarta, warshadaha iyo dhaqaalaha ah.

“Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in ay dhisto waax tamareed oo casri ah, abuurto fursado warshadeed oo cusub, isla markaana ay dardar geliso shaqo abuurka dhallinyarada dalka oo ah laf-dhabarka mustaqbalka qaranka iyada oo kaashaneysa tignoolajiyadda horumarsan iyo maalgelinta shisheeye” ayuu yiri Rai’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.May be an image of 6 people and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 6 people, phone and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 5 people, aircraft and textMay be an image of 5 people and text that says 'Zrwr 工业女 对全区 达到6 达到 6'May be an image of map, floor plan and textMay be an image of textMay be an image of 10 people, crowd and textMay be an image of textMay be an image of 6 people, television, newsroom and textMay be an image of 4 people, lighting, dais and textMay be an image of 8 people and lightingMay be an image of 6 people and textMay be an image of lighting and textMay be an image of 1 person, lighting, indoors and textMay be an image of video games and textMay be an image of 10 people, lighting and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people and text that says "欢迎临科创宁东 宁东"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -